Xibsiyadda Somali-land oo Gumeysti Cusub Ku Tilmaamay Heshiiska Saldhiga Malatari ee Berbera+Daawo

0

Wasiirkii hore ee Wasaarada madaxtooyada Somaliland isla markaana iminka ah hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan oo maanta warbahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay sida Ciidamada Maamulka Somali-land ay ula dhaqmeen Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka.

Xirsi Cali Xaaji Xassan waxa uu sheegay in Golaha guurtida Somali-land ay xaq u leeyihiin in ay kasoo horjeystaan waxyaabaha aan u cuntamin dadweynaha Somali-land, wuxuun Xukuumadda Axmed Siilaanyo ku dhaliilay sida ay ula dhaqmaan Xildhibaanada.

Dhanka kale Wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada Somaliland isla markaana iminka ah hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu ka hadlay heshiiska Saldhiga Malatari ee Magaalada Berbera ee Dowldda Imaaraadka carabta oo muddo soo jiitamayay oo maanta la ansixiyay waxa uuna sheegay in dhibaatooyin ma aheee waxa kale aan laga faaido doonin.

“Soomali oo aan anaga ka go’nay Madaxweynaha la doortay Maxamed C/laahi Farmaajo waxa uu doonayaa in Ciidamada AMISOM dalka laga saaro, anagana heshiis ayaan la galaynaa dowlade Shisheeye”, ayuu yiri hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan.

https://youtu.be/DHXuF5wk5uA

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here