Muhaajiriin Soomaali ah oo Doonayay in ay Galaan Dalka Canada oo Xabsi La Dhigay

0

Ilaalada xadka ay wadaagaan wadamada Mareykanka iyo Canada ayaa gacanta ku dhigay 3 kamid ah muhaajiriin Soomaaliyeed kuwaa oo doonayay in ay galaan dalka Canada.

Saraakiil u hadashay Ciidamada Ilaalada Xadka ayaa sheegay in ay jireen cimilo aad u adag oo qaar kamid ah qaxooti Soomaaliyeed ay awoodi kari waayeen in ay ku socdaalaan iyadoo raggan Soomaalida ah ee la’qabtay lageeyay gudaha isbitaal ku yaala dalkaasi Mareykanka.

Qaxootigaan Soomaaliyeed ayaa ahaa kuwo magagalyo doon ah oo kasoo baxsanayay dalka Mareykanka gaar ahaan gobala minessotta iyo Minoaples kuwaa oo ku Wajahnaa dalka Canada si ay dalkaasi Canada Qaxooti ay ugu noqdaan.

Iyadoo oo la eegayo xafiiska arrimaha bulshada ee ilaalinta xadka dalka mareykanka war uu soo saaray ayaa lagu sheegay in xiligan dhalinyaradan Soomaaliyeed ay u talaabayeen xadka dalka Canada uu ahaa mid aad u qaboow kuwoo oo Xaalada Caafimaad imika ay Soo wajahday.

Muwaadiniinta Soomaalida ee la’qabtay ayaa loo heystaa in si sharci darro ah ay xadka dalka Mareykanka ay kaga talaabayeen dalka Canada waxaana imika loo ogolaaday in la’sii dajiyo guri ku meel gaar ah ilaa xaaladooda caafimaad ay kasoo hagageyso.

Soomaalida ku nool dalka mareykanka ayaa waxaa soo wajahday wal-wal aad u xoogan kadib markii amar lagu soo rogay 7-dal oo Ssoomaaliya ay kamid tahay kaa oo looga xanibay in ay dalka soogaalaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here