Dowladda Soomaaliya oo Ku Dhawaaqday inay Sameyneyso Lacago Cusub oo Shilin Soomaali ah+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Bankiga ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali oo la hadlay Laanta afka Soomaliga ee VOA-da ayaa ka warbixiyay waxyaabaha keenay isbadalka ku yimid Lacagta Shilling Soomaliga oo dhawaan gaartay meeshii ugu hooseesay.

Bashiir Ciise Cali Gudoomiyaha Bankiga ee Soomaaliya ayaa sheegay in Dollar-ka oo Soomaliya kaga yimaada dhanka dibada in uu saameyn xoog badan ku yeeshay lacagaha shilling-ka Soomaliga ah islamarkaana uu arrimahaan Bankiga Dhexe ee Soomaliya wax qaban doono.

Sidoo kale Gudoomiyaha Bankiga ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa tilmaamay in doorashooyinkii Soomaliya ka dhacday iyo ololihii ay sameeyeen Musharixiintii u taagnaa Xilka Madaxweynaha Soomaliya ay saameyn ku yeelatay Lacagta islamarkaana uu hoos u dhacay Shiilling Soomaliya.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Bankiga ee Soomaaliya Bashiir Ciise Cali ayaa sheegay in haatan Banki Dhexe ee Soomaliya uu wado qorshe meel wanaagsna maraya oo lagu soo daabaco lacago shilling Soomali ah si loogu baxo lacag yarida ka jirta dalka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here