Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo Hakad Ku Jira

0

Waxaa maanta wax shaqo ah aysan ka jirin Garoonka Diyaaradaha aadan cadde ee Magaalada Muqdisho kadib markii Dowladda Somaliya ay ku dhawaaqday in wax Diyaarad ah aanay ka soo dageyn Garoonka Aadan Cadde, kana duuleyn maanta oo Arbaco ah Sababo la xiriira doorashada Madaxweynaha oo maanta dhacaysa.

Wasiirka Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cali Axmed Jaamac Jengali oo la hadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee SONNA ayaa sheegay in Maalinta Arbacada oo ay taariikhdu ku beegantahay 08/02/027 la hakiyay dhammaan Duulimaadyadii Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, maadaama maalinkaas dalka ay ka dhici doonto doorashada Madaxweynaha.

Wasiirka ayaa Xusay in iyadoo la fulinayo Amar kasoo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sh Cismaan Jawaari la joojiyay dhaqdhaqaaqii Garoonka Aadan Cadde si lamid ah sida loo hakiyay isusocodkii gaadiidka magaalada Muqdisho.

Diyaarado aad u badan ayaa maalinkii ka soo dega Garoonka Caalamiga Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana qaarkood ay keenaan Qaadka, halka kuwa kalena ay yihiin kuwo qaada shacabka doonaya in ay dalka ka dhoofaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here