Akhriso Sida Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu Kalsoonida Ugu Haysto Maamul Goboleedyada Dalka

0

Warbixin ay soo saartay Hay’adda Data Grid Somalia Limited ayaa lagu Soo bandhigay inta ay la eg tahay kalsoonida uu  Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu ka haysto Maamul Goboleedyada dalka xiligaan ka jira.

Madaxweyne Xasan Shiiikh ayay Hay’adda Data Grid Somalia Limited waxa ay sheegtay ay kalsoonida ugu badan uu ka haysto Xildhibaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo ah maamul Labaad ee Go’aamin kara cida noqonaysa Madaxweynaha Soomaliya, 60% ayay warbixinta sheegtay in taageero uu ka hayso.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu Taageeerida Labaad ee ugu badan uu ka haysto Xildhibaanada Labada aqal ee dalka ee ka imaanaya deeganada Maamulka Hir-shabeelle oo lagu qiyaasay 54%, Xildhibaanada Labada aqal Gobolada Woqooyi ee Maamulka Somali-land taageerida uu ka haysto ayaa lagu sheegay 47%, Galmudug ayuu ka haystaa taageero ahaan 46%, Maamul Goboleedka Jubba-land 30% ayuu ka haystaa dhanka taageerida, Gobolka Banaadir ayuu ka haystaa 25% dhanka taageerida, halka Maamul Goboleedka Puntland uu ka haysto 15%.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here