Saraakiisha Ciidamada Kenya oo Wajahaya Cadaadis, Kadib Weeraradii Kulbiyow iyo Ceel-cadde

0

Saraakiisha ugu sareeya Ciidamada Difaaca Kenya ee loo soo gaabiyo KDF ayaa xiligan Wajahaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya dadweynaha kenyaanka ah kadib markii Dagaalyahanada Xarakada Al-shababa aya markii Labaad fuliyeen weerar qasaaro badan lagu gaarsiiyay Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika AMISOM.

Khubarada Ammaanka iyo diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale su’aalay Howlgalka Midawga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo kaalinta Kenya ay ku leedahay dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee Soomaliya ku sugan.

Markii hore Ciidamada  Kenya  Sababaha ay qeyb ugu noqdeen Howlgalka Midowga Afrika AMISOM waxay laheed laba Ujeedooyinka in laga ilaaliyo dalkooda weerarada Al-Shabaab iyo -inay ku caawiyaan Soomaalida si ay u sameeyaan dowlad xoog leh caasimada dalka islamarkaana ay awood u yeelataa inay iska difaaci karaan xagjiriinta.

Balse waxa ay lugta la galeen dagaal xoogan oo kaga yimid dhanka Xaraakada Al-shabaab, Shabaab ayaa weerar qasaaro badan dhaliyay ku qaaday gudaha dalka Kenya, labadii weerar ee ugu qasaaraha badan waxaa lagu qaaday xerooyinka Kulbiyow iyo ceel-cadde waxaa lagu dilay 168-askari tiro ahaan markii la isku daro.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here