Akhriso Magacyadda Musharixiinta Madaxweynaha Soomaliya ee Khudbadahooda Maanta Jeedinaya

0

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka  Soomaliya  iyo Xubnaha Aqalka Sare ee dalka ayaa lagu wadaa in maanta oo Axad  ah ay dhageystaan Khudbadaha Musharixiinta Madaxweynaha Cusub ee dowladda Soomaliya.

Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Cusub ee Soomaliya ayaa gaaraya 23-musharax waxaa loo kala qeybiyay 3-qeyb oo min sideed xubnood ah, maalin walba waxaa hadal jeedin doono 8-xubnood , waxaa lasoo gaba-gabeyn doonaa 5-ta bishaan February oo ku beegan maalinta axad ah.

Eng C/laahi Cali Xasan oo kamid ahaa Musharixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaliya ayaa shalay ku dhawaaqay In uu iscasilay islamarkaana uu taageero doono musharixii kusoo baxay xilka madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.

Xubnaha maanta hadal jeedinta sameynaya waxaa ugu saameynta badan maanta Raisulwasaaraha Xukuumaddd federaalka Soomaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, Raisulwasaarihii Hore ee Soomaliya Maxamed C/laahi Farmaajo, Maxamuud Axmed Nuur tarsan Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.

Magacyada Xubnaha hadalka jeedinaya maanta

  1. Cumar C/rashiid Cali Sharmarke
  2. Maxamed C/laahi Farmaajo
  3. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan)
  4. Dr maxamuud Maxamed Culusow
  5. Maxamed Axmed Jabari
  6. Maxamed Cali Nuur Ameeriko
  7. Maxamed Abdirizak
  8. Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here