Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir oo maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu ka qeyb kulankii go’aan ka gaaristii Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ee dalka Holland ee ku aadan Muran Badeedka u dhaxeeya Wadamada Soomaliya iyo Kenya, ayaa ka hadlay guusha Soomaliya iyo waxa xiga haatan.
Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in dacwadda Muran Badeedaka wadamada Soomaliya iyo Kenya ay soo socotay muddo gaaraysa 2-sano islamarkaana khamiistii la leh qeyb kamid ah Natiida, taasi oo aheyd in Maxkamadda ICJ ee dalka Holland ay qaado Dacwadda Badda.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in marar badan ay isku dayday in ay Soomaliya ka hor istaagto In ay gudbiso dacwadda badda, islamrkaana lagu xaliyo wax walba oo jira si hoosaad, waxa uuna Maxkamadda ICJ ugu Mahadceliyay sida ay ugu aqbashay dowladda Soomaliya qaadista Dacwadda.
“Go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Caalamiga ICJ ee ku taala dalka Holland, waxa uu ahaa mid hour dhac ah islamarkaana ay Maxkamadda ku cadeenaysay in ay qaadi karto dacwadda, runtii intii dacwadda ay socota Kenya waxa ay isku dayday in ay Soomaliya ka hor istaagto arrimaha muranka badda, islamarkaana si hoose lagu xaliyo, madaama maxkamadda ay aqbashada codsiga Dowladda Soomaliya, haatan waxaa jawaab laga sugayaa Dowladda Kenya kadib waxaa la guda gali doonaa dacwadda waxaa lasoo saari doonaan Go’aanka kama dambeysta ah”, ayuu Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir.
Khamiistii aynu soo dhaafnay ayay aheyd markii Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ee dalka Holland ay aqbashay qaadista Muran Badeedka u dhaxeeya Wadamada dowladaha Soomaliya iyo Kenya.

