War ay soo saartay Shirkad-da Viber-ka ayay ku sheegtay in bilaash looga dhigay dhanka wicitaanka dadka uu saameeyay go’aankii dhawaan ka soo baxay madaxweynaha dalka Maraykanka,kaasi oo muwaadiniinta todobo wadan oo Muslim ah oo Soomaliya ay ku jirto looga mamnuucay in ay gudaha u galaan wadanka Maraykanka.
Maamulka Shirkad-da Viber-ka waxa uu sheegay in aysan wax lacag ah ku dalaci doonin wicitaanka dadka adeegsanaya adeeg-gan marka ay wacayaan eheladooda ku sugan Maraykanka ,waxaana ay noqonaysaa shirkad-dii ugu horeysay oo talaabadan ku dhaqaaqda., oo taageero u muujisay dadka uu sameeyay Go’aanka madaxweynaha dalka Maraykanka.
“Waxaan isku xirnaa dadka, annaga oon dan ka galayn cid-da ay yihiin iyo halka ay ka soo jeedaan “ ayaa lagu yiri war-kooban oo shirkad-du ay ka soo saartay go’aanka Madaxweyne Trump ,isla markaana taageero loogu muujinayay wadamada xanibaad-da la saaray galintaanka dalka Mareykanka ee Soomalida ku jirto.

