Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliyed waxaa Maanta ka dhacay Banaanbax weyn oo lagu taageerayay go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ee ku aadanaa iney qaadeyso dacwadda ay Soomaaliya hor dhigtay ee ku saabsan sheegashada Kenya ee biyaha Soomaaliya.
Banaanbaxa waxaa soo qabanqaabiyay Ururuka Haweenka Qaranka Gobolka banaadir, waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya, dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka banaadir.
Qaar kamid ah Shacabkii kasoo qeyb galay Banaanbaxa ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweynayaan Guusha Soomaliya ay ka gaarto muranka badda islamarkaana waxa laga xumaado ay tahay in ragga xilka Madaxweynaha u sharaxa ay iibsadaan badda Soomaliyeed.
Ugu Horeyntii Gudoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Axmed oo hadashay ayaa sheegtay in Shacabka Soomaliyeed ay aad ugu faraxsan yihiin In Maxkamadda ICJ ay qaadayso Dacwadda waxayna wax laga xumaado ku tilmaamtay in Mas’uuliyiin haatan u sharaxan xika madaxweynaha in iibsadeen badda Soomaliyeed
Ugu dambeyntii waxaa goobta ka hadlay ku simaha Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye ku-xigeenka dhanica amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Diiriye Cali, Yabooh, waxa uuna sheegay in shacabka Soomaliyeed gaar ahaan kuwa Gobolka Banaadir ay aad usoo dhaweynayaan go’aanka Maxkamadda ICJ ee ku aadan in ay qaadayso dacwadda ay Soomaaliya hor dhigtay ee ku saabsan sheegashada Kenya ee biyaha Soomaaliya.







