Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Degmada Shibis Gobolka Banaadir+Sawirro

0

Duhurnimadii maanta waxaa qarax gaari lagu xiray uu ka dhacay Degmada Shibis gaar ahaan Agagaarka isgoyska Beexaan waxaa qaraxaas la sheegay in lala eegtay Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray Kursiga uu fadhiisto Darawalka waxaa la xaqiijiyay in uu qarxay xili gaariga marayay Degmada Shibis gaar ahaan Agagaarka isgoyska Beexaani, waxaa la xaqiijiyay in sarkaal magaciisa lagu sheegay Mustaf Jeylaani Abuu Shiikh in uu ku dhaawacmay islamarkaana lug kamid ah lugiisa ay Go’day.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa  goordhaweyd xaqiijiyay in qaraxa lagu xiray gaariga, islamarkaana la doonayay in lagu qaarijiyo Mustaf Jeylaani Abuu Shiikh.

Ilaa haatan ma jiro cid sheegatay Mas’uuliayada qaraxa, waxaa xusid mudan in degmada Shibis ay mudooyinkii ugu dambeeyay ay ka dhacayeen qaraxyada noocaan oo kala ah.

Qarax-2-560x420 Qarax-3-560x420 Qarax-5-560x420 qarax-11-640x853

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here