Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hague ee dalka Holland ayaa soo dhaweeyay Go’aanka Maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ee ku aadan in ay awood u leedahay qaadista Dacwadda Muran Badeeda u dhaxeeya wadamada Sooamliya iyo Kenya.
Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Guul weyn ay tahay oo usoo hooyatay Umadda Soomaliyeed kadib marki ay maxkamadda aqbashay in ay qaado dacwadda Muran Badeeda u dhaxeeya wadamada Sooamliya iyo Kenya, oo labada dowladood ay ku doodayaan in ay si sharci ah ay ku leeyihiin halka lagu muransan yahay xiligaan.
Sidoo kale Xeer ilaaliyaha qaranka Soomaliya Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in ka dowlad ahaan ay rajeenayaan in natiijada kasoo baxda dacwada la qaadayo ay Soomaliya guu weyn ka gaarto islamarkaana loosoo celiyo biyaha ka maqan.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee fadhigeedu yahay magaalada Hague, ayaa aqbashay inay dhageysato dacwadda Soomaaliya ay gudbisay ee ku saabsan muranka badda ee Soomaaliya iyo kenya u dhaxeeysa.
Maxkamadda waxay meesha ka saartay diidmada Kenya.

