Faah-faahin Laga Helayo Qarax La Doonayay in Lagu Qaarijiyo Pro Dufle+Dhageyso

0

Barqanimadii Maanta ayaa qarax miino oo wadada lagu aasay waxaa  in  lala beegsaday gaari uu watay Osman Mohammud ( Pro Dufle) oo kamid ah Xubnaha aqalka Sare ee dalka xilli uu marayey xaafadda Taleex ee Degmada Hodan.

Inta la xaqiijiyay labo kamid ah ilaalada Senotorka ayaa ku dhaawacmay, isna wax dhaawac ah ma gaarin sida ay inoo xaqiijiyeen dad ka ag dhow mas’uulka maanta weerarka lala eegtay.

Prof Dufle ayaa xiliga qaraxa lala beegsanayay waxa uu kusii jeeday sida inaloo xaqiijiyey xarunta isbitaalkiisa oo ku taala isla xaafadda Taleex ee Degmada Hodan

Askartii ka tirsaneyd Ciidamada ilaalada sanatorka ayaa waxaa dhaawacooda la geeyey isbitaalada Magaalada halkaa oo xaaladdooda caafimaad lagu dabiibayo.

Mid ka mid ah dadka xafadda Taleex ee Degmada Hodan ayaa Idaacadda Simba uga waramay qaraxa maanta halkaa ka dhacay iyo qasaaraha ka dhashay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada qaraxa maanta Degmada Hodan gaar ahaan xaafadda taleex lagula eegtay Prof Dufle oo ka mid ah sanatarada dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkaan kusoo badanayey qaraxyada iyo weerada lagu qaadayo madaxda Dowladda Soomaaliya iyo xarumaha madaxda dowladdu ay dagganyihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here