Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa ku waramaya in deegaan lagu magacaabo Masuubiye oo 18 km u jirta magaalada Baydhayo ay ku dhinteen 32-ruux oo shacab ahaa kadib markii ay cabeen biyo ku jiray goob balli ah.
Dad ka sugan Degaanka Masuubiye ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay in dadkaan ay mar qur ah goobta biliyada ah ay kasoo shubteen biyaha, islamarkaana ay kadib wada dhinteen kadib markii ay biyaha isticmaaleen.
Dhanka kale Ilaa haatan si dhab ah looma oga cid sumeysay ceel biyoodkaas, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya.




