Xeer ilaaliyaha Qaranka Soomaliyeed Dr Axmed Cali Daahir oo maanta shir Jaraaid ku qabtay Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya ayaa ka hadlay Arrimaha muranka badda Wadamada Soomaliya iyo Kenya oo natiijadii dacwadii la qaaday lagu dhawaaqi doono 2-da bishaan February.
Dr Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in shacabka Soomaliyeed ay wax badan isku dhaxqasan yihiin oo ku aadan in Maxkamadda ay 2-ta Bishaan ay ku dhawaaqi doonto Go’aanka laga gaaray muranka Badda lagu muransan yahay, balse waxa uu sheegay go’anka lasoo saarayo uu yahay mid ay Maxkamadada ku go’aaminayso in ay qaadi karto Dacwadada in Labada dowladooda ay ka heshiin karaan muran ka jira.
“Go’aanka la filayo in uu so baxo labada bishaan February waxa uu quseeyaa oo kaliyah is hor istaagii hordhaca ahaa ee dowladda kenya ay u gudbisay Maxkamadda Caalamiga, taasi waxa ay tahay in aan la gaarin dulucda dacwadda, Maxkamadda go’aanka ay soo saarayso waxa uu ku aadan yahay in maxkamadda ay Dacwadda qaadi karto iyo in aysan Maxkamadda qaadi Karin dacwadda, ama in labada dowladooda ay ka heshiiyaan muranka dhaxdooda ah.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee Qarammada Midoobay ICJ ayaa Khamiista 2-da Februray 2017 saacaddu marka ay tahay 5-ta Galabnimo wakhtiga Soomaaliya waxaa ay soo saari doontaa go’aan ay ka gaartay dacwad u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan soohdinta badweynta India ee labada dal.
Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ, Garsoore Ronny Abraham, ayaa ku dhawaaqi doona go’aanka.
Soomaaliya ayaa dacwadda gudbisay. Kenya waxaa ay ku doodday in Maxkamaddu aanay dacwaddan furin ee ay u deyso labada dowladood in ay ka wadahadlaan oo ay xalliyaan khilaafkooda sida ay horeba isugu af garteen.
September 2016 ayay Maxkamaddu dhegeysatay Kenya waxa ay ku saleyneyso diidmadeeda ku wajahan in dacwadda ay gasho oo ay qaaddo Maxkamadda ICJ.
Sidoo kale ICJ waxaa ay qareennada Soomaaliya matalaya ay ka dhegeysatay dacwadda Soomaaliya waxa ay ku saleysan tahay iyo fal-celinta Soomaaliya ee ku wajahan diidamada Kenya.

