Taliska ciidamada dowlada Soomaaliya ee Degmada Baardheere Gobalka Gedo ayaa dalbaday Howlgal dhanka Cirka oo lagu qaado Goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha Sare Al-shabaab u Qaabilsan Gobalkaasi.
Taliyaha Ciidamada Amaanka Degmada Baardheere taliye C/casiis oo la hadlay Idaacada Simba ee Magaalada ayaa Sheegay inta deegaanada hoosyimaada balse ay ku harsan yihiin Deegaano aad u Durugsan aan looga Maarmi karin Diyaarado Fuliya Howlgal Cirka ah Si loo Bartilmaameedsado Xubnha Sare ee Al-shabaab u qaabilsan Gedo.
C/casiis oo sii hadlayey ayaa xusay in Wasaaradda Difaacada Soomaaliya ay u direen Codsi u aadan Arintaa hasa a haatee aysan wali ka heyn wax jawaab ah oo ay ka bixisay dalabka Saraakiisha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Gobalka Gedo.

