Guddiga Qaban-qaabada Doorashada madaxweynaha Cusub ee Soomaliya ayaa goordhaweyd soo gaba-gabeeyay araajiyo qabashada Mushariixinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya.
Gudoomiyaha Guddiga Qaban-qaabada Doorashada madaxweynaha Dr C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa goordhaweyd sheegay in lasoo gaba-gabeeyay araajida qabashada islamarkaan tan iyo 26-bishaan ay isdiiwangaliyeen 24-musharax oo u taagan xilka madaxweynaha Cusub ee Soomaliya.
Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo fadhigoodu uu yahay Villa Hargeisa, ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ku qaabilaayay musharaxiinta.
Magacyada musharaxiinta la diiwaangeliyay.


