Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya degmada Baardheere ee Gobolka gedo ee Koonfurta dalka Soomaliyeed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay maalamaha soo socda ay bilaabi doonaan Howlgal qorshaysan oo A-shabaab loogu saarayo deeganada ay kaga sugan yihiin Gobolkaas.
Faarax Max’ed Turbac oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lA diyaariyay Ciidamadii ka qeyb qaadan lahaa Howlgalka Al-shabaab loogu saarayo deeganada Gobolka Gedo, ayna caawin ka heli doonaan AMISOM, islamarkaana ay ka go’an tahay in Al-shabaab laga xureeyo dhamaan Gobolka Gedo.
Sidoo kale Faarax Max’ed Turbac oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay in deeganada ku dhow degmada Baadheere aysan joojin Al-shabaab balse ay ku sugan meel fog fog ay kasoo abaabulaan weerarada qorshan,waxaase uu sheegay in ay halkaas ugu tagi doonaan islamarkaana ay ku baabi’in doonaan.
Al-shabaab ayaa wali ku xoogan deegaano ka tirsan Gobolada Gedo iyo Jubooyinka waxayna wali maleegayaan weeraro lagu qaado Saldhigyada ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Soomaliya iyo Kuwa AMISOM.

