Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika Haweeneyda lagu magacaabo Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma oo war kooban soo saartay ayaa ka hadashay Weeraradii ugu dambeeyay ee Xarakada Al-shabaab ay ka geysteen Soomaliya gaar ahaan kii ugu dambeeyay ee shalay lagu qaaday deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose.
Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa ka dalbaday AMISOM in jawaab deg deg ah ay ka bixiyaan weerarkii Al-shabaab shalay ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Kenya ee ku yaala deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose iyo kuwii ugu dambeeyay ee Magaalada ka dhacay gaar ahaan kii lagu qaaday Hoteelka Dayax oo 10-qof lagu dilay, halka 51-kalana lagu dhaawacay.
“Hadii aynu nahay Ururka Midowga Afrika waxa aynu cambaareynaynaa weeraradii ugu dameeyay ee Al-shabaab ay ku qaadeen Xarumaha Ciidamada AMISOM ee Soomaliya, iyo goobaha Shacabka, AMISOM waxaan ka dalbanaynaa in ay jawaab ka bixiyaan weerarkii shalay lagu qaaday saldhiga deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose”, ayay tiri Dr. Nkosazana Dlamini-Zuma.
Al-shabaab ayaa shalay weerar qorshaysan ku qaaday Saldhiga Ciidamada Kenya ee deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubada Hoose,war ay soo saareen ayay ku sheegeen in ay ku dileen weerarakaas 67-askari oo kenyaan ahaan oo saldhiga ku sugnaa.

