Midowga Afrika oo Laga Dalbaday in uu Cadeeyo Dad Shacab ahaa ay Dileen AMISOM

0

Warbixin ay soo saartay Hay’adda u dooda xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa lagu sheegay in loo baahan In baritaano dheeri ah lagu sameeyo dilalkii ay geysteen Ciidamada midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku sugan.

Hay’adda waxa ay sheegtay in loo baahan yahay in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo 14-ruux oo shacab ahaa oo Ciidamada Ethopia ee qeybta ka ah Howgalka Midowga Afria AMISOM ay ku dileen deegaanka Wardiinle oo ka Tirsan Gobolka Bay ee koonfurta dalka Soomaliya bishii July 2016-kii, waxayna Hay’adda ay sheegtay in muddo haatan laga joogo lix bilood aysan wax hadal ah helin qoysaskii dadkii lagu laayay deegaankaas.

Dadka halkas lagu dilay ayay Hay’adda sheegtay in ay isku jireen Odoyaal dhaqameed, dad da’ ah, iyo Macalinmiin, waxayna Ciiidamada midowga Afrika  AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dalka Ethopia ay ku eedeeysay in ay si arxandaro ah ay u dileen dadkaas.

Dhacdadii July 17-keeda sanadkii 2016-kii  ka dhacday deegaanka Wardiinle oo ka Tirsan Gobolka Bay ayay hay’adda Human Rights Watch ku sheegtay in Ciidamada Ethopia ay si bareer ah ay u dileen dadkaas qeybaha kala duwan ka koobnaa, waxayna tilmaamtay in halka lagu laayay ay u tageen sidii ay qur’aan usoo saari lahaayeen qof kamid ah dadka deegaanka oo xanuusanaa, waxay meesha ka saartay in rag ka tirsan Shabaab in meesha ay joogaan maalmahaas.

“Dilkii loo Geystay odoyaal dhaqmeedkii, Macalimiintii, iyo dadkii da’da ahaa, wax baaritaano ah laguma sameenin, xiriirna lalama sameenin dadka deegaanka Wardinle ee gobolka Baay,waxaa si deg deg loogu baahan yahay in baaritaano loogu sameeyo dhacdadaas”, ayay tiri Laetitia Bader oo ah afhayeenka Hay’adaan, ahna u qeybsanaha dhanka qaarada Afrika.

Marka laga soo tago dhacdaas Ciidamada Midowga Afrika AMISOM ee Soomaliya ku sugan ayaa dilal bareer ah u geystay shacab Soomaliyeed kuwii ugu naxdinta badnaa ee wax baaritaan ah lagu sameenin ayaa ka dhacday Gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfurta dalka Soomaliya, waxaa ugu dambeeyay tii gaari ay wateen ay jiirsiiyeen gaari dad shacab ah ay saarnaayeen waxaa halkaas ku dhintay 10-ruux.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here