C/raxmaan Faroole:-Somali-land Somaliya Ayay Kamid Tahay, Sidaas Haloo Fahmo

0

Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland  C/raxmaan Shiikh Maamed Maxamuud (Faroole) haatana kamid xubnaha aqalka Sare ee dalka ayaa sheegay In wax la dhahaayo Somaliland aysan jirin, islamarkaana ay kamid tahay Soomaliya.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in Doorashadda Aqalka Sare ee Soomaaliya ay saldhig u tahay isu keenista Soomaali weyn, wuxuuna sheegay in Aqalkaasi u midaynayo Ummadda Soomaaliyeed oo haatan kala tagsan.

Siyaasiga Cabdiraxman Sheekh Maxamed Maxamuud Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland  ayaa sidoo kale  sheegay in Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Dawlada Federaalka Soomaaliya  Cabdi Xaashi C/laahi oo shalay Lagu doortay Magaalada muqdisho uu kasoo jeedo Soomaali-land, taas oo uu sheegay inay ka dhigan tahay in Soomali-land ay ka mid tahay Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here