Waxgaradka Gobalka Bakool ayaa Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ku eedeeyey inay xiisad dagaal ay ka Horinayaan Deegaanka Garas-weyne iyo Tuulooyin Hoosyimaada oo ka Tirsan Gobalka Bakool.
Ugaas Xuseen Aadan oo ka mid ah Waxgaradka Deegaanka Garas-weyne oo Hadlay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa Gudoomiyaha Gobalka Bakool ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Maxamed Macalin ku eedeeyey in uu Mas’uul ka yahay Xiisad Dagaal ka soo Cusboonaatay Deegaankaasi.
Sidoo kale Ugaas Xuseen Aadan ayaa sheegay in Ciidamo ka amar qaata Gudoomiyaha Gobalka Bakool ay saacadihii la soo dhaafay deegaanka Garas-weyne ku Dileen inka badan 12-Ruux oo Rayid ah kana mid ahaa dadka deegaansi halka Tiro intaa ka badan oo ay ka mid yihiin Gabdho Da’yar ay Afduubteen kuwaas oo qaarkood aan laga garanayn meel lageeyey.

