
Waxaa Maanta lagu soo gabagabeynayaa Magaalada muqdisho doorashada Xubnaha aqalka hoose iy aqalka sare ee u harsan beelaha ka soo jeedo deeganada Soomaaliland.
Doorashada oo ka dhaceyso Xarunta Gadiidka Booliska ayaa waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka xaruntaasi iyadoona lagu arkayo ciidamo isugu jiro boolis iyo Nabad Sugida.
Doorashada maanta dhaceyso waxaa agu dooranayaa 4-Xubnood oo 2-kamid ah ay kamid noqonayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya halka 2-kale ay kamid noqonayaan Xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya.
Dhawaan waxaa muqdisho lagu soo gabagabeeyay doorashada beelaha banaadiriga iyadoona manta uu qorshuhu yahay in las oo gabagabeeyo Doorashada beelaha matelaya Deeganada Soomaaliland.
