Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomaliya oo hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha soomaaliya C/raxmaan odawaa ayaa gaaay magaalada Cadaado waxana sababaha ugu weyn ay u tageen ay tahay xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka jira deeganad agalmudug.
Xildhibaanadaan ka tirsan Baarlamaanka Faderaalka soomaaliya ayaa isku dayaya in ay wada hadal ku xaliyaan khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed iyo XIldhibaanada dhawaan kalsoonida kala laabtay isaga ee Galmudug.
Xildhibaanada ka soo horjeeda c/kariin ayaa la sheegay in diideen in ay la kulmaan wafdigaan uu hogaaminayo C/raxmaan odawaa.
Cabdi Xasan Cilmi (Indho yare) oo kamid ah xildhibaanada dhawaan kalsoonida kala laabtay Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in aysan la kulmidoonin xildhibaanad afaderaalka ee gaaray magaalada cadaado.
Xildhibaanka ayaa tilmaamay in xeerhoosaadka u yaala xildhibaanad agalmudug iyo sharci ahanba aysan munaasab aheyn in ay kala hadlaan xidlhibaanada faderaalka arimaha hada taagan.

