Shariif:-“Jawaari iyo Xildhibaano Kale ayaa Noo Diiday Kursiga Madaxweynaha”+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo  ee Caasimada KMG ee Maamulkaas ayaa eedeen u jeediyay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ee laga soo doortay koonfur Galbeed Soomaliya.

Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa ku eedeeyay Xildhibaanada Golaha shacabka ee lagu doortay Magaalada Baydhabo in ay kaga baxeyn balantii aheyd In Gudoomiyaha baarlamanka Somaliya loo doorto mas’uul aan kasoo jeedin deeganada koonfur galbeed Soomaliya, si shaqsi kasoo jeedo deeganada maamulkaas loogu doorto Madaxweynaha Soomaliya ama Raisulwasaaraha Xukuumadda Soomaliya.

“Anigoo ah Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Xildhibaanada lagu doorto Magaalada Baydhabo waxaa ku heshiinay in Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya u tartamo mas’uul aan kasoo jeedin koonfur Galbeed Soomaliya, islamarkaana ay helaan kursiga Madaxweynaha Soomaliya, Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) waan ku heshiinay in uusan u tartamin kursiga Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaliya, balse wuu noogu baxay balantii”, ayuu yiri  Madaxweyne Shariif Xasan.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Mudane Shariif Xasan Shiikh aadan ayaa ku baaqay in  kursiga Madaxweynaha Soomaliya uu noqdo mid wareeg ah, beel kaliyaha aysan lahaanin, hadaan taasi la helin ayuu sheegay in dalka uu ku jiro doono fowdo, iyo isku hor imaad.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here