Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo soo xiray Kalfadhiga labad ee Xildhibaanada Baarlamanka maamulkaas ayaa ku amaanay Ciidamada amaanka Maamulka Jubba-land in ay kaalin weyn ka qaateen sugida amniga.
“Kismaayo oo ah halka aan maanta joogno amaan buuxa oo aad wada ogtihiin sida uu ku yimid ayaa maanta ka jira oo ay sahleen Allah ka sakow Ciidamada oo kaashanaya dadweynaha” ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam.
Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Jubba-land Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa sheegay in dhibaato weyn ay ka jirto dhanka kala xirnaanshaha deeganada Maamulka Jubba-land balse waxa uu tilmaamay in dhawaan la bilaabi doono howlgal Al-shabaab loogu saarayo deeganadaas.

