Inta la Xaqiijiyey 4-Ruux ayaa Siyaabo kala Duwan loogu Dilay Degmooyinka Matabaan iyo Guraceel ee Bartamaha dhulka Soomaaliya kuwaasi oo loo beegsaday Aanooyin Qabiil.
Wararka ka imaanaya Degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan ayaa Sheegaya in halkasi lagu Dilay 2-ruux oo rayid ahaa oo ka soo jeeda Degmada Guraceel halka Ruux kale uu Dhaawac Soo gaaray warar ayaa intaa ku Sii daraya 5-ruux kalena ay Afduub u geysteen Kooxo Dilkaas ku lug lahaa.
Dhanka kale Degmada Guraceel Gobalka Galgaduud Ehelada Dadkii lagu Laayay Degmada Matabaan ayaa Aano Qaliib u Dilay Ruux Rayid ahaa oo ka soo Jeeday Degmada Matabaan ee isla Gobalka Hiiraan.
Sidoo kale Wararka Idaacada Simba ay ka Helayso Degmada Guraceel ayaa intaa ku daraya Ciidmada Maamulka Ahalusuna ay toogasho ku Dileen Ruux la Sheegay in uu ku lug lahaa Dilka ka Dhacay Degmadaas taas oo Tirada Dhimashada ka Dhigtay 4-Ruux Shaqaaqooyinka dhacay Degmooyinka Guraceel iyo Matabaan oo Dhaca Xaduuda ay Wadaagaan Gobalada Hiiraan iyo Galgaduud
Labo Xidigle Muumin Xasan Garood oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlada Dhexe ee Gobalka Hiraan ayaa Idaacada Simba u Xaqiijiyey Dhimasha Dilalkaas ku Salaysan Aanooyinka Qabiil ee Dhacay Degmooyinka Guraceel iyo Matabaan waxa uun Sheegay Mas’uuliyiinta Maamulada Degmooyinkaas iyo Waxgaradkaba ay ugu Baaqeen Xiisadaas la Joojiyo.

