Xildhibaano u Midoobay in Is Badal Lagu Sameeyo Hogaanka Dalka

0

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig  Wasiiru Dowlihii Hore ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo haatan  kamid ah baarlamanka Federaalka Soomaliya dhawaana loogu guuleystay xilka Gudoomiyaha Golaha shacabka ayaa sheegay in ay midoobeen 99-xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Soomaliya.

Mudane Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa ku tilmaamay sababaha ay u midoobeen tirada xildhibaanada intaas  la eg ay tahay  in hogaanka dalka isbadal lagu sameeyo kadib markii dhawaan uu isbadal ku yimid Golaha shacabka  Baarlamaanka Federaalka Soomaliya.

“Haddii Baarlamaanka is badal ku yimid madaxda dalkana waa in isbedel ku dhacaa, isbadalka wuxuu kasoo bilowday baarlamaanka, sida noo muuqata wadanka wuxuu u baahan yahay isbadal, waxaana ku dhawaaqay inaan ahay hogaamiyaha isbadal doonka dalka”ayuu yiri xildhibaan C/rashiid Xidig.

Dadka Siyaadda falanqeeya iyo shacabka Soomaliya ayaa isha ku haya isbadalka ku imaan kara hogaanka dalka gaar ahaan tan Madaxweynaha Soomaliya, siyaasiyiin badan ayaa aaminsan in aan loo baahneen in dib losoo celiyo madaxdii dowladihii Hore.

 

 

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here