Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha dibada Somaliya Khaalid Cumar Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Shaqaalaha Dowladda iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ay heystaan dhibaatooyin badan ay ugu horeyso mushaar la’aan.
Khaalid Cumar Cali Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha dibada Xukuumadda Somaliya ayaa tilmaamay in shaqaalaha dowladda iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed ay mushaar la’aan yihin muddo 7-bilood ah, cadeymanayo loo hayo arrintaas.
“Muddo haatan laga joogo 7-bilood Ciidanka dowladda iyo Shaqaalaha Dowladda ma aysan qaadanin wax mushaar ah, dhibaatooyin badan ayaa haysta xiligaan, iyadoo musharkooda uu kasoo daahayay ayaa hadana loogu daray in aan wax mushaar ah la siinin”, ayuu yiri Mudane Khaalid Cumar Cali.
Xiliyadda kala guurka dowladda ayaa waxaa soo wajaha shaqaalaha dowladda iyo ciidanka xogga dalka Soomaliyeed mushaar la’aan aad u weyn, Ciidamada qaar ayaa lagu arkayaa wadooyinka Muqdisho iyadoo daruufi ay ka muuqato.

