Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Xildhibaanadda Baarlmaanka Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya sida hufnaanta leh ay u dhameystireen Guddoonka golaha shacabka oo Manta la doortay Gudoomiye ku-xigeenka kowaad iyo midka Labaad.
“ Waxaan hambalyo lee yahay Xilhibaanada Golaha Shacabka Sooomaaliya oo maanta si dimuqraadiyadda leh u doortay guddoomiye ku-xigeenka kowaad iyo mid labaad ee Baarlamanka Soomaliya , waxaa muujiyeen sida Baarlamaanka uga go’an tahay in dalkaan horusocokiisa la sii joogteeyo iyo sida xilkasnimada ku dheehan tahay ee ay ugu gudanayaan waajibaadka ka saran u adeegida shacabka ay wakiilka ka yihiin ee soo doortay” ayuu yiri Madaxweynaha.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa maanat doortay Gudoomiye ku-xigeenka kowaad oo ku guuleystay C/wali Ibraahim Muudey iyo Mahad Cabdala cawad oo ku guuleystay gudoomiye ku-xigeenka Labaad ee Baarlamanka Soomaliya.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamud ayaa uga mahad-celiyey ciidamada Qalabka sida si adag u sugaya ammaanka magaalada iyo guud ahaanba dalka xili lagu jiro xili adag oo ay doorashooyin dhacayaan.

