Madaxweynaha Puntland:-“Dalka Wuxuu u Baahan-yahay Isbadal Hoggaamineed oo Cusub“+Dhageyso

0

Madaxweynaha Maamulka puntland Dr C/wali Maxamed Cali gaas oo oo Maanta ku laabtay magaalada boosaaso ee Gobolka Bari kadib howlo shaqao uu u joogay Magaalada muqdisho ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo u badan doorashada Madaxweynaha Soomaliya oo dhawaan dhici doonta iyo arrimaha amniga.

Madaxweyne C/wali Maxamed Cali Gaas Hogaamiyaha Maamulka Puntland ayaa sheegay  intuu ku sugnaa Magaalada Muqdisho  ee Caasimada Soomaliya uu ka qeyb galay kulamo ay yeesheen hogamiyayaasha Madasha Wadatshiga qaran kuwaasi oo kusoo dhamaaday si wanaagsan.

“Hogaamiyayaasha Madasha Wadatashiga qaran meel wanaagsan ayay keeneen arrimaha doorashada Soomaliya iyo isbadalka dalka ka dhacaya,waad  la socotiin way soo dhamaadeen doorashooyinkii ka dhacayay xarumaha Maamul Goboleeyada dalka ka jira, iyo dhaarintii xildhibaanada golaha shacabka, runtii waxaan rajeenaynaa in isbadal wanaagsan ay kasoo baxaan doorashada Madaxweynaha  Soomaliya ee dhacaysa sanadkaan 2017-ka, isbadal wanaagsan ayaa iiga muuqda  xildhibaanada kusoo baxay Golaha shacabka Soomaliya”, ayuu yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa sidoo kale soo hadal qaaday dilalkii sanadkii aynu soo dhaafnay   Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari loogu geystay Mas’uliyiin ka Tirsan maamulka ayna sheegteen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab.

‘Waxan ka Tacsiyadeenayaa dilkii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobolka bari, runtii way nagu cusub tahay in mas’uuliyiin lagu dilo Magaalada Boosaaso, iyadoo taasi ay jirto dadaal ay sameeyeen Maamulka iyo shacabka ayaa lagu yareeyay dilalkii, Ciidamada Puntland way ku amaanan yihiin sugida amniga”, ayuu yiri mar kale yiri Madaxweynaha Maamulka Puntland.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Maamulka puntland Dr C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ilaahey ka baryay in umadiisa uu ka dulqaado abaarta haystada, isagoo sidoo kale ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay badiyaan Baryada ilaahey.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here