Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Malatariga Dowladda Soomaliya oo lagu magacaabi jirey Cumar Farey ayaa xalay kooxo hubeysan waxaa ay ku dileen degmada Yaaqshiid ee ee Gobolka Yaaqshid.
Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa la sheegay in sarkaalkaan ay rasaas ooda kaga qaadeen xili uu marayay agagaarka dugsiga hoose dhexe ee Maxamuud Axmed Cali ee gudaha degmada Yaaqshid.
Dilka kadib waxaa goobta isaga baxsaday ragii hubeysnaa ee dilka fuliyay sida goob joogayaal ay u sheegeen idaacadda Simba.
Intaas kadib Ciidamo ka Tirsan kuwa Dolwadda Soomaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay gaaray iyagoo halkaas ka qaday meydka Sarkaalka, waxa ay sidoo kale sameeyeen baaritaano inkastoo aan la ogeyn shaqsiyaadka lagu soo qabtay.

