Imaaraatka oo Kordhinaya Mashaariicda Gar-gaarka uu Sanadkaani Ka Fulinayo Soomaaliya

0

War kasoo baxay Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraatka Carabka  iyo Wasaaradda arimaha dibadda dalkaasi ayaa lagu sheegay in ay gurmad gaarsiiyeey dadka kunool degmada Qandala kuwaa oo dhawaan dib ugu laabtaan degmadaasi kadib markii ay soo gaba-gaboobeen dagaalkii Ciidamada Puntland iyo Daacish ku dhex maraye Magaalo Xeebeedka Qandala.

Warkaani ayee ku sheegeen in ay wadaan Qorshooyin ay ku kordhinayaan Howlaha Mashaariicda ah oo ay ka fulinayaan Soomaaliya sanadkaani bilowga ah ee 2017-ka.

“Waxaan Gurmad Gaarsiinay Afar Boqol oo qoys kuwaa oo horay ugu barakacay Degmada Qandala sababo Cabsi ay ka muujiyeen Kooxda Daacish ee la wareegtay degmadaasi, Waa Muhiim in Gurmad loo fidiyo dadka ku nool Deegaano ay saameeyeen Abaaro Xooggan misane ay ku darsaneen in ay barakacaan” Sidaana waxaa lagu yiri War kasoo kala baxay Wasaaradda arimaha Dibadda Imaaraatka iyo Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraatka.

Sidoo kale Wasaaradda arimaha Dibadda Imaaraatka Carabta ayaa tiri “Inta Sanadkii Dhamaaday 2016-ka ku guda jirnay oo aan wadnay howlaha fulinta Mashaariicdaani iyo Tababaridda Ciidamada Dowladda waxa ay Al-Shabaab nagu soo qaadeen weeraro kala duwan,

Uma Xakin doonno Weerar waliba oo ay Al-Shabaab nagu soo qaadaan kaliya waxa ay nagu dhiira galineysaa in aynu sii wadno howlaheena Mashaariicda ah ee aynu Soomaaliya ka wadno”.

Imaaraatka Carabta ayaa Xarun lagu tababaro Ciidamada Gaar ah ee Dumandoska Soomaaliya ka furtay Magaalada Muqdisho si lamid ahne waxa uu safaarad dhaq-dhaqaaq siyaasadeed kuleh arimaha Soomaaliya ka furtay G/Banaadir.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here