Al-shabaab oo Jubada Dhexe Kusoo Bandhigay Askar ay Sheegeen inay Kasoo Goysteen Koonfur-Galbeed iyo Jubbaland

0

Deegaanno ka tirsan gobolka Jubada hoose ayaa maanta masuuliyiin ka tirsan Al-shabaab waxaa ay kusoo bandhigeen tiro Ciidamo ah oo la sheegay inay kasoo goosteen Ciidamada Maamulada Jubbaland  iyo koonfur Galbeed sida ay sheegeen sarakiisha Al-shabaab.

Askarta lasoo bandhigay ayaa tiradoodu gaaraysaa 4-askari oo ka kala tirsan Ciidamada maamulada Jubbaland iyo koonfurgalbeed,sadax ka mid ah askartaas ayey sheegeen Shabaabku inay ahaayeen askar ka tirsan Maamulka Jubbland ayna isaga dhiibeen Al-shabaab Magaalada Kismaayo halka askariga afaraadna uu kasoo goostay ciidanka koonfur-galbeed ee ku sugan Degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Masuuliyiinta Mamulada Jubbland iyo Koonfur-galbeed qaarkood oo aan la xariirnay ayaa been abuur ku tilmamay in ciidamo ka goostay ay ku biireen Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab ayaa dhawr mar soo bandhigay askar ay ku sheegeen inay ka tirsanyihiin Ciidamada Maamul-goboleedyada dalka xiligaan ka jira.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here