Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaliya oo maanta kulankooda sedexaad kalfadhiga kowaad ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ku magacaabay 15-xubnood oo noqonaya Guddiga qaban-qaabada doorashada Guddonka baarlamanka Soomaliya.


