Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in bisha Junuary la iibin doono xidiga Memphis Depay kadib markii uu ku fashilmay helida booska joogtada ah ee garoonka Old Trafford.
Depay ayaa si cad loo sheegay in la iibin doono bisha Junuary kadib markii sanadkii aynu soo dhaafnay lacago waali ah uu kaga yimid kooxda ka ciyaarta horyaalka Holland ee PSV kaliyaha 20-daqiido ayuu ka hoos ciyaaray macalin Mourinho.
“Ma ciyaarin xili ciyaareedkii hore, ma ciyaarin xili ciyaareedkaan, si wanaagsna uma ciyaarin xili ciyaareedkaan, dhamaanba ma ciyarin, tani ma ahan xal”, ayuu yiri macalin Jose Mourinho.

