Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho Kula Kulmay Danjiraha Turkiga u Fadhiya Soomaaliya+Sawirro

0

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo u jooga Casimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Maanta 31 December 2016 waxa uu kulan kula qaatay magaalada Muqdisho danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Kulankan oo kadhacay xarunta safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa madaxweynaha iyo danjire Oglan Bekar kaga wadahadleen arrimo la xiriira xiriirka soojireenka ee Puntland iyo Turkiga, mashaariicaha hurumarineed ee Dawladda Turkigu ka fuliso Puntland iyo abaaraha baaxadaleh ee ka jira Puntland.

Ugu horayn, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed cali Gaas ayaa kala hadlay Danjiraha  Turkiga u Fadhiya Soomaaliya wanaajinta iyo dar-dar gelinta xidhiidhka soo jireenka ah  ee ka dhexeeya Dawladda Turkiga iyo Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa Danjiraha Turkiga uga xog waramay xaaladda abaareed ee ka jirta Puntland, islamaarkaana waxa uu madaxweynu tibaaxay inay muhiim tay in laga arrinsado sidii looga wadda qayb qaadan lahaa Gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu sameeyeen, geesta kale madaxweynaha ayaa kala hadlay safiirka mashaariicaha horumarineed ee ay Dawladda Turkigu ka filiso Puntland iyo sidii loo sii horumarinlahaa loona dardar gelin lahaa.

Danjiraha Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Oglan Bekar ayaa dhankiisa sheegay inay diyaar u yihiin horumarinta iyo xoojinta xidhiidhka labadda Dhinac.

Dhinaca kale Mr. Oglan Bekar  ayaa cadeeyey inay Gacan ka gaysan doonaan gurmadka abaareed ee lagu caawinayo dadka abaartu wax yeelaysay ee reer Puntland, sidoo kale danjiraha ayaa tilmaamay inay diyaar u yihiin horumarinta mashaaricaha horumarineed ee  Turkigu ka fuliyaan  Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku hawlan sidii  puntland iyo shacabkeedu beesha caalanka ula yeelan lahaayeen xidhiidh suurto geliya horumarinta danaha shacabka iyo kan

–DHAMAAD—

img_1034-1 img_1040-1 img_1056-1 img_1058 img_1059 img_1061-1 img_1068 img_1072-1 img_1092-1 img_1097 img_1100 img_1105-1 img_1109 img_1115 img_1121

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here