Jawaari oo Lagu Cadaadinaayo in uu Isaga Tanasulo Raadinta Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka

0

Musharaxiin uu u dhexeeyo tartan xooggan ayaa hadda xod-xodasho ka wada Magaalada kulamo kala duwanna mid kasta uu gooni ula yeelanayaa Xildhibaanada dooran ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Tartan Adag ayaa waxa uu dhexmari doonaa Mudanayaasha Kala ah Cabdirashiid Maxamed Xidig Wasiiru Dowlihii Wasaarada Arimaha Gudaha Haatana ah Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Maxamed Sh.Cismaan Jawaari oo ahaa Gudoomiyihii hore Ee Baarlamaanka Soomaaliya Sidoo kalena kamid ah Xubnaha Cusub Ee Baarlamaanka.

Mudanayaashaasi ayaa Kulamo Gooni Gooni ah Waxa ay la leeyihiin Xildhibaanada Cusub kuwaasi oo ay ka dhaadhicinayaan Sidii Ay Codadka u siin lahaayeen.

Warar Hoose oo aan heleeyno ayaa waxa ay sheegayaan in Jawaari lagu cadaadinayo in uu isga Tanaasulo raadinta Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Markale Maadaama uu Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay isku Beel ka soo Jeedaan uu u sharaxanyahay madaxweyninmada Dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa jira siyaasiin kale oo iyaguna doonaya in ay Noqdaan Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya waxaana kamid ah Siyaasiin ka soo Jeeda Deegaanada Maamulka Soomaaliand.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here