Beesha Caalamka Oo Soo dhaweysay Go’aanki ay Madasha Qaran ku hakisay Doorashada 18-ka kursi

0

Beesaha caalamka ayaa waxa ay arin wanagsan ku tilmaameen dhawaan g’aan ka soo  baxay madasha wadatashiga qaranka kaa oo ay madasha mudo ku hakiyeen kuraasti dhawaan lagu kordhiyay aqalka sare.

 

Wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden ayaa si wadajir ah waxa ay u soo dhaweeyeen Go’aanka ay Madasha Qaran ku hakisay Doorashada 18-ka kursi ee lagu kordhiyay Aqalka Sare.

 

Beesha caalamka waxa ay si weyn u soo dhaweeyeen Warmurtiyeedki dhawaan madasha ay soo saareen ee mudada lagu hakiyay doorashada xubnaha aqalka sare ee dhawaan  lagu ku dhordhiyay xili madasha ay sheegeen 18-kursi in doorashadooda la qabandoono xiliga ay dhacdo doorashada gudoonka Baarlamaanka iyo mida Madaxweynaha.

 

Danjire Micheal Keating oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa arin muhiim ku tilmaamayy dib u eegis in lagu sameeyo kordhinta xubnaha Aqalka Sare, maadaama 54 xubnood oo Aqalka Sare ah Dastuurka Soomaaliya uu ku qoran yahay, iyadoo aan wax ka bedel lagu sameyna lagu kordhin karin.

 

Beesha caalamka ayaan la dhacsaneen hanaanka haatan loo mwajahayo doorashada soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here