Wararka Caawa naga Soo gaaraya Degmada Heliwaa ee Gobolka banaadir ayaa ku waramaya In rag ku hubeysnaa Bastoolado in gudaha degmadaas ay ku dileen odey kamid ahaa Ergadii wax kasoo dooratay Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ee Maamulka Galmudug.
Ala Ha U Naxariistee axmed Dhoore ayaa la dilay xili uu kasoo baxay Masjid ku yaala Degmada Heliwaa ee Gobolka banaadir, kooxdiisa dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsaday sida ay inoo xaqiijiyeen dad halkaas ku sugan.
Dilka kadib waxaa goobta gaaray Ciidamada ka Tirsan Kuwa Dowladda Soomaliya oo goobta ka sameeyay baaritaano lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka loo geysay odey dhaqameedka.
dhowr jeer oo hore Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada dalka Soomaliya waxaa lagu dilay ergooyinka wax kasoo doortay xarumaha maamul Goboleedyada, waxaana sheegtay Al-shabaab.

