Somalida Haysata Dhalashada Mareykanka oo Loogu Digay Musuqmaasuqa Doorashada Somaliya

0

War kasoo baxay Dowladda Mareykanka ayaa lagu  sheegay in la ciqaabi doono Somaalida haysta dhalashada dalkaas ee lagu helo ku lug lahaanshaha musuqmaasuqa doorashada Somaliya socota xiligaan.

Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka Howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in sharciga Mareykanka uu dhigayo in muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan meel ka baxsan dalka lagu ciqaabi karo haddii ay ku lug yeeshaan xaalado musuq maasuq baahsan.

Digniintaan Mareykanka uu soo saaray ayaa imaanaysa xili qaar kamid Soomalida haysata dhalashada Mareykanka ee ku sugan Soomaliya lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin musuq-maasuqa iyo isdabamarinta doorashada Soomaliya.

Sidoo kale xubnaha Beesha Caalamka ayaa maalintii shalay ka horyimid go’aankii madaxada madasha wadatashiga Qaranku  ugu kordhiyeen tiradii Xubnaha Aqalka sare ee aheyd 54,kana dhigeen 72-xubnood.

Sidoo kale lix musharax oo ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka madaxtinimo ee dalka ayaa maalintii shalay ugu baaqay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in ay soo farageliyaan Musuqmaasuqa doorashooyinka Somaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here