Wararka ka imaanaya Woqooyi Galbeed Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ee dhanka Puntland ayaa ku waramaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Puntland iyo Kuwa Liyuu Boolis ee ismaamulka Somali-da Ethopia in uu halkaas maanta ka dhacay.
Dagaal ayaa la sheegay in uu bilowday kadib Markii Gudoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Xasan Maxamed Khaliid (Abgaalow) uu Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya uu ka taagay tuulada dudun oo hoos tagta deegaanka Bur-saalax ee Gobolka Mudug.
Intaas kadib waxaa tuulada ka bilowday dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa ismaamulka Somali-da Ethopia.
Qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa la xaqiijiyay in uu soo gaaray Ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa ismaamulka Somali-da Ethopia in ee deegaankaas mudooyinkii dambe ku sugnaa.
Dhanka kale waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaas lagu dilay Taliyihii Booliska Puntland ee tuulada dudun oo hoos tagta deegaanka Bur-saalax ee Gobolka Mudug Ala Ha u Naxariistee Burhaan C/laahi Shiikh Doon(Joo-loqo) oo hogaminayay dagaalka.

