Xildhibaanada Labada Aqal oo Maanta La Dhaarinaayo iyo Amaanka oo Si Weyn Loo Adkeeyay

0

Sida uu dhawaan Shaaciyay MaamulkA Baarlamanka Federaalka Soomaliya waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in la dhaariyo Xildhibaanada Labada Aqal ee BaarlamAanka ee dhawaan laga soo doortay Xarumaha Maamul Goboleedyada dalka.

Xafladda Dhaarinta Xildhibaanada Labada Aqal  ayaa ka dhacaysa Xarunta Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaliya.

“Si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee Guddiga Heer Federaal Doorashooyinka Dadban ee 2016 ku soo saaray natiijada Xildhibaanada ku guuleystay xubinnimada Labada Aqal ee Baarlamaanka 10aad ee Soomaaliya, waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaanada Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono Xarunta Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Xoghayaha Baarlamaanka Waqtigiisa uu dhamaaday ee Buux.

Amaanka wadooyinka gala  Xarunta Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa si weyn loo adkeeyay waxaa  lagu arkayaa Ciidamo kala duwan oo ka tirsan Booliska iyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom.

Xildhibaanada Aqalka Hoose ee la doortay ayaa ah 270-xidlhibaan  iyo xildhibaanada aqalka Sare ayaa ah 54-xubnood iskastooo kulankii ugu dambeeyay ee madasha yeeshaan lagu kordhiyay 18-xubnood waxay sidaas ku noqdeen 72-xubnood xubnaha aqalka sare.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here