Dowlada Britian ayaa heshiis qarsoodi ah la gaartay dowlada Kenya sanadii 1967-kii kaa oo dhigaya in ladifaaco dalka Kenya hadii duulaan uu kaga yimaado dhanka dalka Somalia.
Warbixintan oo si rasmi ah looga helay xafiiska ra’isul wasaaraha ee magaalda London ee gudaha dalka Britain ayaa lagu go’aamiyay in dowlada Britain ay ka go’antahay difaacida dalka Kenya iyada oo heshiiskan loogu magac daray isfahamkii( Bomburi understanding) sida laga soo xigtay xoghayihii Gumeystayaashii England 1964-kii.
Iyada oo la tixgelinayobalanqaadkii heshiiskaasi ayaa Mr sandys oo la hadlay dowlada cusub ee dalka Kenya waxa uu sheegay in hubaal ay tahay difaacidda qaranka Kenya hadii faragelin iyo weerar uu kaga yimaado dalka soomaaliya.
Soomaaliya ayaa xiligaasi aheyd mid loo tixgeliyo in ay kamid tahay ah dowladaha ugu awooda badan dhanka ciidanka ee qaarada Afrika kuwaa uu ku qalabeysanaa hub casri ah oo midowgii soviet ay soo saareen .
Waxaana bur-burkii dowladii dhexe ee Soomaaliya kadib Soomaaliya ay ku hanjabtay in gobalka waqooyi bari ee dalka Kenya ay qabsan doonaan taa oo kamid ah waxyaabaha soomaaliya ay hiigsaneyso iyada oo muhiimadu tahay soo celinta soomaali weyn “The Great Somalia Policy”.
Maamulkii madaxweynihii hore ee dalka Kenya Joma Kenyatta ee waqtigaasi ayaa la xarbinay duulaano kala duwan oo kaga yimaaday dalka Soomaaliya kuwaa intooda badan kasocday waqooyi bari dalka kenya waxaana dagaalkaasi loogu magac daray dagaalkii daaweynta (Shifa War) .
Raisul wasaarihii hore ee soomaaliya Mohamed cali Cigaal ayaa u sheegay ra’isul wasaarihii dalka Britain 1962 in soomaaliya in ay xureyn doonto dhulka soomaalida Kenya ee NFD iyo waliba dhulka soomaali galbeed ee Ethopia.
Markii Joma Kenytta uu ogaaday madax-adeega iyo go’aanka adage ee soomaaliya taa oo horseedi karta in Kenya oo idil lagu soo duulo ayaa si dag-dag ah waxa uu ula xariiray saraakiil sar sare oo katirsanaa dowlada Britain si uu ugu dhaadhacsiiyo boqortooyada England in taageero kaliya aan la’siinin Kenya islmarkaana loo baahanyahay hub fara badan oo casri ah.
Laakin Maanta Soomaliya waxaa ku sugn Ciidamo ka Socda Kenya oo gacan ku siinayo kuwa Dowladda Federaalka Soomaliy dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo qaar kamid Gobolada dalka Soomaliya ku sugan.
Waxaa Turjumay: Abdiaziz Hassan Ibrahim




