Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Ka Badan 5,000 oo Tahriibayaal ahaa  in ay Ku Dhinteen Badda

0

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in sanadkaan oo kaliya badda ay ku dhinteen 5,000-qof  oo tahriibayaal ahaa kuwaa oo ka talaabayay badda Maditerrenean-ka.

Qiyaastii ugu dambeesay ayaa la’aaminsanyahay  in maalinimadii talaadada aynu ka soo gudubnay in dooni ay kula degtay dad tahriibayay sida warbixinta lagu sheegay.

“sara u kaca kororka dhimashada ee tahriibayaasha ayaa noqotay mid aad u badan waxaana la sheegay in ay ugu wacantahay tayo laanta doonida kuwa wax tahriibiya ay ku qaadaan muhaajiriinta, cimilada kala duwan ee badda iyo ka fogaanshaha xeebaha dowladaha caalamka iyaga oo ka baqaya in la qabto taa oo keeni karta xaalado adag in ay la kulmaan.

Sida ay saraakiisha qaramada midoobay ay ka digeen  bishii octobar  in kororka dhimashada tahriibayaasha ay sare u kacdo ayaa waxa ay xustay in ku dhawaad 360,000 oo muhajiriin ah in ay gaareen qaraada yurub iyaga oo badda ka talaabay oo  marin ka dhiganaya xeebaha talyaaniga iyo Gariiga.

Hay’adda qaxootiga ee IOM ayaa sheegtay in 175,000 ay gaareen sanadkan oo kaliya dalka talyaaniga ee qaarada yurub.

Flavio Di Giacmo oo ah Afhayeen u hadlay howlgalada IOM  ayaa xusay in dalka Libya oo xasi’looni la’aan ay kajirto in uu noqday saldhiga tahriibayaasha.

Tirade qaxootiga ee badda ku qarmay sanadkan 2016-ka ayaa noqonaya 5,000 iyada oo sanadkii hore 2015-ka ay tirade muhiijiriinta ee ku dhintay baddu ahaayeen 3,777 waxaana sida la’diiwaan galiyay sanadii 2014 tiradu ay ka badneyd 2,000 halka 2013 ay aheyd tirade dhimashada tahriibayaasha in ka badan 3,000 kuwaa oo isugu jira rag, dumar iyo caruur oo nafsadooda ku waayay gaadiidka qatarta badan ee badda dhex-dabaalanaya.

Howlgalkii ugu dambeeyay ayaa warbixnta lagu xusay in 175 tahriibayaal lagu guuleestay in lasoo badbaadiyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here