Wararka Ka Imaanaya degmada Balcad ayaa ku waramaya in halkaasi uu ku dhintay nin ka mid ah gaadiidleyda degmadaasi ka dib markii ay ku dhacday Xabad uu riday askari ka tirsan ciidanka Maamulka degmada.
Wararka ayaa intaa ku daraya in askariga falka uu geystay uu ka dambeeyey Taliye ku xigeenka nabd-sugidda degmada Balcad oo isagu la sheegay in uu askariga dilka geystay uu amar ku siiyey inuu toogto haweeneey muran dhuleed uu kala dhexeeyey taliye ku xigeenka degmada balcad ee ciidanka nabad-sugidda.
Askariga dilka geystay ayaa gacanta lagu dhigay iyadoona uu isla goobta uu ku geeriyooday marxuumkii xabaddu haleeshay.
Haweeneyda lahayd sababta xabadda loo riday iyo Taliyihii amarka bixiyey oo labaduba la hadlay Idaacadda Simba ayaa isku eedeeyey inuu qof walba lahaa masuuliyadda dilka loo geystay Marxuumka.
Warar ka madaxbanaan labada dhinac ayaa sheegaya in askariga dilka geystay uu taliye ku xigeenku ku amray inuu toogto haweeeyda oo muran dhuleed uu kala dhexeeyey sidaana ay marxuumka dhintay xabbaddu ku haleeshay.

