Guddiga Xalinta Khilaafaadka:-“Mudadii aan Shaqada Wadnay Waxaa Nasoo Gaaray 71-kiis oo Cabasho ah”,

0

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka dadban ee Soomaliya ayaa sheegay mudadii ay shaqada hayeen ay soo gaareen 71 kiis oo cabasho oo la xiriira sidii loo maareeyay doorashooyinkii ka dhacay xarumaha Maamul Goboleedyada dalka ka jira.

Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa sheegay in  baaritaan iyo cadeymo ay u raadiyeen kiisaska loosoo gudbiyay ay markii dambe ka soo reebeen 11 kursi, oo lagu doortay Xarumaha Maamul Goboleedyada dalkaka Jira.

Warsaxafafeed Qoraal ah oo uu Guddigu maanta soo saaray nuqul ka mid ahna la soo gaarsiiyay idaacadda Simba ayaa lagu sheegay in dacwadaha guddiga soo gaaray ay isugu jireen Isdabamarin lagu sameeyay liiska Ergooyinka, Codgadasho lagu sameeyay ergada, ku takrifal awoodeed oo ku aaddan u asteynta kuraasta qoondada haweenka, Dacwooyin ku qotomay kuraas laga duudsiiyay jufooyinkii lahaa, iyo murashixiin loo diiday shahoodooyinkii iyo ka qeybgalka doorashada.

Guddigan ayaa sheegay in dhamaan Dacwooyinkaa ay u gudbiyeen, kalana hadleen hogaamiyeyaasha madasha iyo beesha caalamka, Wuxuu sheegay guddigu inay ka xunyihiin in iyagoo shaqadaa adag u hayay bulshada laga faafiyay inay qeyb ka ahaayeen musuqa iyo qaladaadka doorasho ee dhacay.

Ugu Dambeyntii Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee Soomaliya waxa ay u Mahadceliyeen hammaan dhinacyada siyaasadda Soomaalida, beesha caalamka iyo cid kasta oo gacan ku siisay intii ay howshan wadeen.

Warsaxaafaeed-gmxkhd-24-12-2016

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here