Waxaa magaalada muqdisho kulan ay albaabada u xiran yihiin ku leh Madaxweynaha puntladn oo la sheegay in uu isagu yeeray Xildhibaanada labada aqal ee ka soo jeeda deeganada puntland, waxana kulan sidoo kale goob joog ka ah Ra’isul wasaaraha xukumada soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharmaake.
Kulanka ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sida aan warar hoose ku heleyno arimo quseeyo Masiirka Gobolada sool iyo Sanaag oo ay puntladn dooneyso xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya in iyada lagu saleeyo oo aan dhanka soomaaliland loo weecin.
Madaxweyne xasan shiikh iyo Madaxweynaha puntladn ayaa la sheegay in isku qabteen arimaha sool iyo sanaag, waxana madaxweyne xasan shiikh la sheegay in uu doonayo in xubnaha ka imaanaya labadaasi gobol in loo weeciyo dhinaca soomaaliland iyadoona go’aankaasi uu ka hor yimid madaxweynaha puntladn.
Cabdiweli ayaa wado qorshe ka dhan ah in soomaaliladn xubnaha ka imaanaya aqalka sare inaan lagu darin xubnaha u gaarka ah gobolada sool iyo Sanaag.
La Soco wixi soo kordha

