Taliska AMISOM ee Soomaliya ayaa sheegay in askari ka tirsan Ciidankooda oo u dhashay dalka Uganda uu ku dhex dumay Gudaha degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
AMISOM waxa ay sheegtay in askariga uu lumay xili saacada ay aheyd 08:00-fiidnimo islamarkaana uu doonayay in uu tago xiro Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
“Askari ka tirsan Ciidamadeena ayaa ku lumay degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose, AMISOM waxa ay dadaal ku bixinaysaa in lasoo badbaadiyo askarigaas”, ayaa lagu yiri war lagu qoray barta twitter-ka AMISOM.
War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in askariga la qabtay uu u dhashay dalka Uganda islamarkaana lagu qabtay howlgal laga fuliyay Gudaha degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

