Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ee Maamulka Jubba-lnd waxaa maanta tababar Ciidan oo soconayay muddo 3-bilood loogu soo xiray in ka badan 70 askari oo kamid noqonaya Ciidamada Nabad Sugida Dowladd Goboleedka Jubba-land.
Xiritaanka xafladda tababarka waxaa ka qeybgalay Madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubaland Maxamuud Sayid aadan, xubno ka tirsan golaha wasiirada Maamulka Jubaland, Saraakiisha ciidamada nabadsugidda, kuwa Booliska, Taliska ciidamada daraawiishta Jubaland, odoyaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.
Tababarka Ciidan ee Soconayay muddo 3-da bilood waxaa bixinayay macalimiin ka tirsan ciidamada Dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Afrika AMISOM ee Soomaaliya ku sugan.
Taliyaha Nabadsugidda Jubaland Gen. Qaalid Sheekh C/laahi oo ugu horeyntii xafladda ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadani la siiyay tababarro kala duwan oo ay kamid yihiin, tababarrada la siiyo Kumaandooska, Ciidamada ilaalada gaar ah ee madaxda iyo tababarro kale.
Ugu dambeyntii waxaa munaasbadda ka hadlay madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubland Mudane Max’uud Sayid Aadan, isagoo sheegay in inta badan degmooyinka Jubaland ay ka soconayaan tababarro la siinayo ciidamada kala duwan ee Jubaland, arinta oo uu xusay in ay tahay mid guul u ah bulshada ku dhaqan deegaanada Jubaland.
“Waxaad ka warqabtaan in maanta xerooyinka ciidan oo ka furan degmada Kismaayo, Ceelwaaq, Doolow, Luuq iyo degmooyin kale oo ka tirsan Maamulka Jubaland ay tababarro uga socdaan ciidamada Jubaland,” ayuu yiri madaxweeyne kuxigeenka 1-aad ee Jubland Mudane Max’uud Sayid Aadan.















